reeeee

Universal-TV1 watchlive 9c67b5db7b055044a6cdf75bab9efbe8 £¨·¨Ð£©£¨2£©ÎÏÅ£ÃÀÈÝ tusmo300 4xaas300 haygaarsan hiiraankaaa daawo Mb
SOMALI LINKS

Daawo Sawirada: Baro Habka loo sameeyo Keega adiga oo ka faaideysanaya Bahda Shabakada www.Raaxada24.com( Kari kaligaa)….

Number of View: 3143

Wuxuu ka kooban yahay 4-5 qof

500g tufaaxa dahabiga ah

150g sonkor

180g daqiiq

3 xabo oo beed ah (ukun)

1dl caano

100g shukulaato

Subag ( wax yar oo kugu filan)

Qorfe (qiyaaso adigu) 

Milix (wax yar) 

½dl Rum

1½ qaado oo Baking powder (qiyaaso adigu)

Sidan isoogu dar

Ukunta waxaad ku qastaa sonkorta ilaa ay si fiican isoogu milmaan. Eeg sawirka hoose

Adigoo wali walaaqaya waxaad kolba siyar ugu dartaa daqiiqda, Baking powder, caanaha,Rum iyo subagii oo aad dhalaalisay aad isoogu walaal ilaa ay sifiican isoogu dhex milmaan. Eeg sawirada hoose.

Kadib waxaad ku dartaa Tufaaxii oo aad diirka ka dhishay qaab dhexdhexaad ahna aad u jarjartay, kolba qayb ku dar keega adigoo si fiican isoogu walaaqaya. Eeg sawirka hoose

Kadib waxaad ku dartaa qaado yar oo Qorfe ah, kadibna shukulaatadii oo aad burburisay markaa kadib si fiican isoogu walaaq. Eeg sawirka hoose

 

k1k2k3k4k5k6k7k7k8k9

Kadib waxaad ku shubtaa weelkii aad ku galin lahayd offinka, saxan wareegsan oo qiyaastii 24cm ah ayaa ku fiican, saxanka intaadan ku shubin keega waxaa fiican inaad saarto waraaqda keega hadii aadan haysana waxaad marisaa saxanka subag si uu uga ilaaliyo in keegu ku dhago saxanka. Eeg sawirka hoose.

Markaa kadib waxaad dusha kaga daadisaa sonkorta shiidan hadii aad rabto

markaa kadib waxada galisaa offinkii oo aad hore usii diirisay waxaanad ku shidaa 200º C mudo saacad ah u daa adoo kolba eegaya inuu dhexda ka bislaaday.

Waakan keegii oo bislaaday. Cunto wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII